QISO:- ”Inaan fasahaado waxaa sabab u ahaa Hooyadey oo i deyrisay anigoo yar”

QISO:- ”Inaan fasahaado waxaa sabab u ahaa Hooyadey oo i deyrisay anigoo yar”

daajis.com:- Nuuradiin Saalax waa canug yar oo 5-sano jir ah waxa uu xiligaani kamid yahay Carruurta isticmaasho maan-dooriyaha sida Koolada, Calaqa IWM

Waxa uu ku dhashay Gobolka Sh/Hoose, waxaana Magaalada Muqdisho la keenay isaga oo sana jir, dabadeedna waxa uu ku biiray laba sano kadib Carruurta darbi jiifka ah.

Waxa uu sheegay in Hooyadii dhashay aysan heysan wax camal ah, waxa ayna nolol maalmeedkeeda ku raadisaa tuugsi IWM.

Waxa uu iminka Nuuradiin Saalax camal ka dhigtaa dawarsiga iyo daroogada, waxa uuna ku doodayaa in Hooyadiisa ay sabab u aheyd inuu ku biiro carruurta ku nool nolosha xun, balse xiligaani uu yahay mid ku qanacsan noloshaasi.

Nuuradiin Saalax oo ay wareysatay Caasimada Online ayaa yiri ”Haa wan jeclaa inaan waxbarto balse waqti xumi la soo daristay qoyskeyga ayaan uga lumay wadadii nolosha, waayo hooyadey ayaa i dayacday aniga oo yar ayay iga dhuumatay aniguna waxaan ku biiray carruurta darbi jiifka ah”

Nuuradiin Saalax waa shaqsiga ugu da’da yar ee isticmaala daroogada ceynkaasi ah, waxa uuna iminka jecelyahay in lala baadi goobo halka ay ka jirto nolosha.


Inta badan Hooyooyinka iyo ragooda ayaan ku dadaalin ubadkooda, waxa ayna is guursadaan iyaga oo aan heysan wax camal ah, balse waxa ay aaminaan in waqti un uu faraj u furmi doono.

Canugaani yar ayaa kamid noqonaayo Carruurta darbi jiifka ah waxa uuna u baahan yahay xanaano dhanka nolosha ah.

Xigasho:- Caasimada Online

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada