daajis.com:- Maxamuud Faarax Cigaal (Black) oo ahaa kuxigeenkii Hay’adda Saadaasha hawada iyo Socdaalka Rayidka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.
Warqad Kasoo Baxday Xafiiska Laanta Duulista Rayidka ah ee Somalia ayaa lagu sheegey in Maxamuud Faarax Cigaal oo ahaa ku simaha xilka Agaasimaha Laantan uu is-casilay.
Qoraalkan ayaa wuxuu agaasimuhu ku sheegey in uu si weyn uga niyad-jabsan yahay dhaqanka hay’adda Qaramada Midoobey ee maamuleysey hawada dalka Somalia, taasoo uu ku eedeeyay inay madaxa isku gelisay Soomaalida, isla markaasina ay wali soo Wareejin la’dahay Maamulka Hawada Somalia, inkastoo heshiisyo badan horay loo kala saxiixday.
Ugu dambeyn, Waxyaabaha Wasaaradda iyo Laantan isku haystaan waxaa ka mid ah Madax-bannaanida laantan oo uu Agaasimaha qabo inay tahay mid howlaheedu ka madax-bannaan yihiin wasaaradda.
kuxigeenkii Hay’adda Saadaasha hawada iyo Socdaalka Rayidka SoomaaliyaMaxamuud Faarax Cigaal (Black) ayaa sheegay in warqada shaqo joojintiisa uu u gudbiyay madaxda ka sareesa uuna sugayo in laga aqbalo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at