Taliyaha ciidanka booliska oo sagootiyay cayaartooyda kooxda Heegan

Taliyaha ciidanka booliska oo sagootiyay cayaartooyda kooxda Heegan

daajis.com:-Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ay ka sagootiyeen kooxda kubadda cagta ee Heegan oo ka qeybgalaysa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo dhowaan ka furmaya dalka Tanzania.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay cayaartooyda Kubadda cagta Heegan ee ciidanka booliiska, kuwaas oo cayaaraha Bariga iyo Bartahmaha Afrika uga soo qayb gali doono dalka Tanzania.

Taliyaha ayaa kula  dar-daarmay dhammaan cyaartooyda ka qayb galaya tartanka inay muujiyaan  aqlaaq wanaag, islamarkaana ay guul u soo hooyaan Qaranka .

Guddoomiyaha Naadiga Heegan ee Ciidanka Booliska Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe ayaa sheegay in bixitaanka cayaartooydaan uu gacan weyn ka qaatay Taliyaha ciidanka booliiska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, isagoo uga mahad celiyay Dadaalkiisa uu ku bixiyay heerka maanta ay joogaan kooxda kubadda cagta Heegan.


Qaar ka mid ah cayaartooyda u amba baxay maanta Dalka Tansaniya ayaa iyaga oo ka hadlayay dareenkooda waxa ay dhammaan u mahadceliyeen taliska Booliiska, iyaga oo rajeeyay in guul wanaagsan ay u soo hooy doonaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn taliyaha howgalinta ciidanka booliska Jeneraal Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ay dhiirigelinayaan cayaartooyda, si niyad wanaag  ay uga qayb galan tartanka bariga io bartaha Afrika ee lagu qabanayo dalka Tanzania.

Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa ah kooxda ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee dalkeena, waxaana uu dalka Tanzania ka furamayaa 18-ka bishan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada