daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa markii uu gaaray magaala Garoowe, wuxuu sheegay in ujeedada uu yimid Garoowe ay tahay sidii madaxda Maamulada Jubbaland iyo kan Puntland ugala hadli lahaayeen khilaafka iyo mad-madoowga soo kala dhex galay, iyaga iyo Dowladda dhexe.
Madaxweynaha Puntland, C/wali Gaas ayaa dhinaciisa sheegay in ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ay la xiriito sidii looga wada hadli lahaa khilaafka taagan maadaama Puntland iyo Dowladda dhexe aysan isku wanaagsaneyn waayahan dambe.
Kulamo kala duwan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Maamulka Puntland, waxaana kulamadaasi ay ahaayeen kuwa sadex geesood ah oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 08:00 and have
, Published at