Ashraf Ghani ayaa sheegay in Pakistan ay gacan ku siineyso Ururka Taliban weerarada ka dhacaya dalkiisa, waxaana uu tusaale u soo qaatay weeraradii ka dhacay ee magaalada Kabul iyo goobo kale ka dhacay.
Waxaa uu sheegay inuu rajeynayo nabad, balse dalkiisa dagaal loogaga soo qaaday dhinaca Pakistan, waxaana uu xusay in aanay marna ka qeyb dadaalada nabada ee socday.
Ururka Taliban ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneysa magaalada Kabul, kadib markii ay dhowaan dooratay hogaan cusub.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ahaa kii maanta ka dhacay afaafka hore wado laga galo garoonka diyaaradaha Kabul oo weerar is qarxin ah uu ka dhacay.
Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana sare loo qaaday ammaanka magaalada Kabul.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at