BF oo ka dooday xeerka isgaarsiinta oo la isku raacin ansixintiisa

BF oo ka dooday xeerka isgaarsiinta oo la isku raacin ansixintiisa

daajis.com:-  Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxay ugu doodeen xeerka isgaarsiinta qaranka, iyadoo xeerkaani uu markii labaad akhrintiisa la marry.

Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa xildhibaannada baarlamaanka usoo gudbiyey warbixinta guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka oo wax ka bedel ku soo sameeyay. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaana xildhibaanada ka or atkhiryay Guddoomiyaha Guddigan, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo qeexay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka, kana codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney meel mariyaan.

Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna Mudaneyaasha Baarlamaanka u akhriyey guud ahaanba qodobada xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo wax ka bedelkii ay guddiga kusoo sameeyeen waxaana qodobada xeerkan ka sokoow siyaasadda lagu hagayo isgaarsiinta guud ee Qaranka iyo in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka isgaarsiinta ka sokoow ka mid ah in shirkadaha isgaarsiinta is wici karaan oo uusan muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbanaan in uu qaato ama isticmaalo madaxyo kala duwan oo telefoonnada gacanta ah.

Dhinaca kale waxaa Xildhibaannada Baaramaanka loo qeybiyey soo jeedin wax ka bedel lagaga sameynayo qodobada qaar ee sharcigan oo ka timid xubno guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ka tirsan, waxaana Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hor akhrisay soo jeedintooda ayaa xustay in qodobada 8-aad ee hindisahan uu qeexayo in guddiga xubnhihiisa laga dhigo 7 balse u qeybsami karin hanaanka saami qeybsiga Soomaalida ee lagu heshiiyey sidaasi darteedna ay soo jeedinayaan in laga dhigo 9 xubnood si looga hortago kala sed bursi iyo in nidaamka lagu ansixinayo guddiga uu maro habraaca ay maraan guddiyada madaxa banaan oo ah in marka Golaha Wasiirradu soo ansixiyaan Baarlamaanka la horkeeno.


Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii Baarlamaanka xasuusiyey in sharcigan muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka iyo dadka sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in uu u gudbo akhrinta seddexaad oo ah marxaladii ugu dambeysay si loo ansixiyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 16ka bishii May ee sanadkii 2014, waxaana Baarlamaanka la hor keenay 22ka bishii Octobar ee sanadkii hore in la ansixiyana waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka, balse in Xildhibaannada Baarlamaanka ka doodaan, ku darid iyo wax ka bedelidna ku sameeyaan ay tahay shaqada iyo waajibaadka qaran ee loo idmaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada