Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom oo Maanta Howlgal ka Bilaabay Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom oo Maanta Howlgal ka Bilaabay Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Waxaa maanta Dagaalo qaraari ay ka dhaceen Deegaano hoostaga magaalada Baladweyne, Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ee Gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay Howlgal ay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay maanta ka bilaabeen Gobolka asi Hiiraan.

Ciidamada Huwanta oo saaka aroortii ka ambabaxay Magaalada Beladweyne ayaa u jiheestay Galbeedka Gobolka Hiiraan, halkaasi oo deegaano ka mid ahi ay ku sugan yihiin ciidamada Ururka Al Shabaab.


Col. Isaaq Cismaan Idiris oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somalia ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay dagaal isagala hor yimaadeen maleeshiyyadka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka Ceeldheer ay ku dileen ciidamo ka tirsan ururka Al Shabaab oo gaaraya ilaa 7- askari, isaga oo sheegay inay dharbaaxo xoogan ay gu gaarsiiyeen tuulooyinkaasi.


Col.Isaaq Cismaan Idiris ayaa warkiisa intaasi ku daray in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay sii socdeen oo ay gaareen deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku jirto Dagmada Ceel Cali oo Gobolkaasi ka tirsan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada