DAAWO:- Dr. Hiraabe: “Waxaan nahay runtii dad lagu khasbay Federaaliisamka”

DAAWO:- Dr. Hiraabe: “Waxaan nahay runtii dad lagu khasbay Federaaliisamka”

daajis.com:- Dr. Cali Maxamed Hiraabe oo ka mid ah aqoonyahanada qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya iyo federaaliisamka ka hana qaaday, wuxuuna sheegay inay isagu aanu marnaba ka mid ahayn aqoonyahanada doonaya in gobolada dalka xuduud loo kala sameeyo, isla markaana Soomaaliya ay tahay mid lagana shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa midnimadeeda.

Aqoonyahankaan oo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad lagu khasbay nidaamka Federaaliisamka, isagoona sheegay in wixii ka dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay noqdeen kuwo taariikhda gelaya.


“Waxaan nahay dad lagu khasbay Federaaliisamka” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Hiraabe oo ku ammaanay maamulka Ximan iyo Xeeb sida ay ugu dhabar adeygeen markii la sameynayay maamulka Galmudug oo uu sheegay inay iyagu hormuud ka yihiin asaaska maamulkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada