daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo uu kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Banking Dhexe Bashiir Ciise Cali iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah u guurgalelida habsami u socodka hawlaha bankiga, isagoo kala hadlay Guddoomiyaha Banking qorshaha dowladda ku dooneyso in ay ku sameyso lacag shillin Somali ah, maadaama lacagtii shilling ay mesh ka baxday.
Madaxda bankiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha bankiga ka socda, tayeynta adeegyada iyo dadaalka bankiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee uu qaranka.
Lacagta Shillin Soomaaliga ayaa waxaa badallay Dollar, iyadoo maciishada iyo adeegyada kale ay dadka ku iibsadaan dollar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:16 and have
, Published at