Daawo Muuqaal “Siyaasiiin ka soo jeeda Beesha Cayr Habargiidr oo Baaq u Diray Ahlu Suna Taageeray Maamulka Galmudug!!

Daawo Muuqaal “Siyaasiiin ka soo jeeda Beesha Cayr Habargiidr oo Baaq u Diray Ahlu Suna Taageeray Maamulka Galmudug!!

daajis.com:- Siyaasiiin iyo wax garad ka soo jeedo beesha Cayr ayaa waxay baaq u direen maamulka Ahlusuna iyagoona ka codsaday inuu nabada qaato islamarkaana uu aqbalo maamulka Galmudug ee dhawaantaan lagu aasaasay magaalada Cadaado.


Siyaasiyiintaan ka soo jeeda beesha Cayr oo dhawaantaan kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay taageersan yihiin maamulka Galmudug oo dhawaantaan looga dhawaaqay magaalada Cadaado ayagoona udiray fariin ah inay maamulka Ahlusuna ay taageerto maamulkaas Galmudug islamarkaana ay wada hadal la furto maamulkaas si xal looga gaaro tabashadooda islamarkaana loo dhiso maamul loo mideysan yahay oo uu yeesho gobolada Mudug iyo Galgaduud.


Ugu dambeyntiina iyadoo beesha Cayr ay baaqaas u dirtey maamulka Ahlusuna Waljameeco oo iyagana maamul kaga dhawaaqay goboladaas ayaa General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay inay maamulka Ahlusuna ay ka waantoobaan sheekooyinka ah anigaa u soo halgamay iyo anigaa Kaadi u soo cabay oo uu ku tilmaamay kuwa aan waxba soo kordhineeynin islamarkaana ay taageeraan maamamulka cusub ee Galmudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada