Daawo:- Qoys Turkish ah oo farxada Arooskooda la wadaagay 4,000 qaxooti Syrian ah

Daawo:- Qoys Turkish ah oo farxada Arooskooda la wadaagay 4,000 qaxooti Syrian ah

daajis.com:- Wiil & Gabar Turkish ah ayaa go’aansaday ineey farxada arooskooda la wadaagaan 4,000 qaxooti Syrian ah, iyagoona la cunteeyay la ciyaaray. arrintaan ayaa ka dhacday magaalo ku taal Koofurta Turkiga oo lagu magacaabo Kilis.

Arooska iyo Caruusada oo lagu kala magacaabo Fethullah Üzümcüoğlu & Esra Polat, oo arooskooda ka dhacay magaalo ku taal meel u dhow xuduudka uu Turkiga la wadaago Syria, ayaa u yeeray ineey xaflada arooskooda kasoo qeyb galaan ilaa 4,000 qaxooti Syrian ah kuwaasoo kasoo cararay dagaalada ka holcaya Dalkooda.

Turkiga ayaa magangalyo siiyay in ka badan 2 Million oo Qaxooti Syrian ah.

Fikrada ah in qoyskaan farxada arooskooda ay la wadaagaan qaxootiga Syrian-ka ah, ayaa waxaa lahaa aabah dhalay wiilka aroosayay Ali Üzümcüoğlu, waxa uuna ka dalbaday shacabka Turkishka ah ineey sidaan oo kale sameeyaan.

“Maadaama ay tahay maalin aad u farxad badan, waxaan go’aansanay in farxadaas ay nala wadagaan walaalaheen reer Syria ee kasoo cararay dagaalada, waxaana rajeeynayaa in sidaas oo kale ay sameeyaan dadka Turkishka ah ee soo dhaweeyay Qaxootiga reer Syria” ayuu yiri Mr Ali.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada