Daawo sawirada Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka galmudug oo Xariga ka Jaray layrka Cad-ceeda ku shaqeeya

Daawo sawirada Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka galmudug oo Xariga ka Jaray layrka Cad-ceeda ku shaqeeya

daajis.com:- Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka galmudug oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Cadaado iyo Xilidhbaano ka Tirsan Galmudug ayaa xalay  kormeer ku sameeyay leyrarka Cadceeda ku shaqeeya oo dhawaan cadaado Laga hirgeliyay.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado C/llhi C/raxmaan Xuseen TooToole ayaa ka hor kormeerkooda si wada jira xariga uga jaray wajiga Koowaad ee mashruuca leyrka Cadeeda ku shaqeeya.

Gudoomiya Degmada Cadaado Mr TooToole oo ugu horeyn la hadlay warbahinta ayaa sheegay in Leyrarkn Cadceeda ku shaqeeya  ay ka heleen dowlada Ingiriiska ayna waxbadan kusoo kordhiyeen bilicda magaalada Cadaado,isagoo sheegay inay jiraan mashaariic kale oo lagu horu marinaayo bilicda Degmada Cadaado.

Gudoomiye Too Toole ayaa sheegay inay jiraan dhalinyaro u tababaran cilad bixinta  lerarka cadceedka ku shaqeeya oo ku sugan magaalada Cadaado ayna ka howl gelidoonaan hadii ay ciladi timaado.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi  oo dhankiisa la ahdlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay leyrarka Cadceeda ku shaqeeya in laga hirgeliyo magaalada Cadaado oo xiliga uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug.

Maxamed Xaashi Cabdi  Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maamulka Cusub ee Galmudug uu ku dadaali doono horumarinta Deegaanada iyo Degmooyinka Galmudug, isagoo Bulshada Deegaanka iyo Guud ahaan dadka reer Galmudug ugu Baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka.

Leyrarka Cadceeda Ku shaqeeya ayaa dhawaan laga Hirgeliyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug taas oo bulshadu ay siweyn u soo dhaweeyeen




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada