daajis.com:- Gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland qoxootina halkaasi ku ah ayaa soo bandhigatay dhibaatada ka haysta sharciga loo diiday iyo iyada oo nolol adag ku nool, gabadhan oo magaceeda ku sheegtay Ilham Aweys waxay ka sheekaysay nolosheedii hore iyo halkay ku noolaan jirtay. Iyada oo af carabi ku hadlaysa kuna sheegaysa dhibteeda isla markaana baraha bulshada ee dadka carabtu u badan yihiin aad looga daawaday ayaa waxa ay sheegtay in ay ku noolaan jireen dalka Sucuudiga muddo haatan laga joogo labaataneeyo sanno,
waxayna sheegtay in ay ku noolaayeen gobolka KHamiis Masheed ee dalka Sucuudiga, waxayna sheegtay in aabaheed halkaasi ka shaqayn jiray , 20 sanno ay ku noolaayeen ka dibna aabaheed shaqadii laga eryey , laguna amray in uu dalka Sucuudiga ka baxo. Ilham Aweys waxay sheegtay in ay Soomaaliya ku noqon kari waayeen maadama dagaalo ka socdeen noloshuna adkayd, sidaasi daraadeedna ay u guureen dalka Yaman, halkaasna ay nolol adag kala kulmeen, muddo markay joogeena aabahood xanuunsaday ka dibna uu geeriyooday dhaqaale xumo aawadeed lana daweyn kari waayey. Waxay sheegtay Ilham in ay u soo tahriibtay dalka Holland, ka dibna diidmo la siiyey taasina ay keentay in ay nolosheedu gasho mugdi, isla markaana ay booliska dalkaasi ka saareen guryihii ay ku noolaayeen, xaaladeeduna ay hadda adag tahay, ilhaam waxay sheegtay in dalalkii Islaamku soo tuureen kuwii kalena ay kala kulantay dhibaato dhibteeduna haatan tahay sharci la’aan.
Dhibaatooyinka Soomaalida iyo bulshooyinka dalkoodii ka soo hijrooday ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa, iyada oo ay ugu liitaan dadkii ku noolaan jiray dalalka carabta xilliyada badan caruurtooduna ku dhasheen kuwaas oo marka waalidku gaboobo dalka laga saaro. Muuqaalka ay Ilhaam soo dhigtay Facebook ga ayaa waxa laba maalmood gudahood daawaday dad ku dhaw 500 kun oo qof una badan dunida carabta, iyada oo dadkii daawaday muuqaalkan kuwo badani dhaliil u soo jeediyeen dalalka muslinka ee dadkii ku noolaa dalkooda banaanka dhigay, iyada oo qaar badani soo qoreen telefoonadooda sheegayna in ay diyaar u yihiin in ay caawinayaan Ilham Aweys, halka dad kale u tilmaameyn Ilham in ay dalkeedii iskaga noqoto oo ay olol cusub ka bilowdo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:12 and have
, Published at