daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wuxuu sheegay in Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, uu furman doono 1-da bisha September.
Hadalka Wasiirka, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Madaxtooyada Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan, kaasoo looga hadlaayay Maamul U Samaynta Gobolada Shabeellaha Dhexe & Hiiraan.
Gudoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe iyo 11 ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa saxiixay Shirka Maamulka loogu soo dhisaayo Goboladaasi.
Kulankan lagu qabtay Villa Somalia, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Beesha Caalamka, Wasiirada & Xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaasi iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa bidhaamiyay mudada ka harsan sanadkan in lagu soo dhisi doono Maamulkaasi, iyadoo ay markaasi u dhan tahay bulshada degta Gobolada Shabeellaha Dhexe & Hiiraan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at