DF oo laga dalbaday ineey jawaab ka bixiso xasuuqa ay Itoobiya ka geeysatay Halgan

DF oo laga dalbaday ineey jawaab ka bixiso xasuuqa ay Itoobiya ka geeysatay Halgan

daajis.com:- Iyadoo ciidamada Itoobiya maalin ka hor deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ay ku dileen dad shacab ah oo saarnaa Gaari ka yimid dhanka Magaalada Beladweyne, ayaa Ehelada dadkii ciidanka Amisom ay dileen, waxa ay Dowladda ka dalbanayaan inay jawaab deg deg ah ka bixiso arintaasi.

Salaad Diiriye Cabdulle, oo ka mid ah Ehelada Shan ruux oo ciidamada Itoobiya ay ku dileen deegaanka Halgan, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somalia ay uga fadhiyaan inay jawaab ka bixiso dhacdada dadkooda lagu laayay.

“Dowladda Soomaaliya iyada ayaa dalkaan maamusha, waxaan ka rabnaa in jawaab cad ay ka bixiso shacabkaan la’iska laayay, sidoo kale Amisom maadaama ciidamada wax laayay ay iyaga ka mid yihiin jawaab ayaan ka rabnaa” ayuu yiri Salaad.

Dadka dhintay kasokoow kuwa dhaawaca ah mid ka mid ah ayaa aad u daran waana ninkii waday Baabuurka, xabad ayaa madaxa kaga dhacday, wuxuuna yaalla Isbitaalka Magaalada Beladweyne isaga oo kooma ku jira.

Amisom oo ka hadashay arintaan ayaa sheegtay inay baareyso wixii ka dhacay deegaanka Halgan, halka Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan ay dhacdadaasi raali gelin ka bixiyeen.

Muddooyinkaan dambe waxaa sii kordhaya tacadiga ciidamada Amisom ay kula kacayaan dadka shacabka ah, xilli uusan jirin isla xisaabtan adag oo ciidamada Amisom lagu haayo, kuna saabsan dilalka rayidka ay u geysanayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada