Dr Maman Sidikou: “Ciidamada Kenya weey sii joogi doonaan Somalia”

Dr Maman Sidikou: “Ciidamada Kenya weey sii joogi doonaan Somalia”

daajis.com:- Ergayga gaarka ah ee Midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Dr Maman Sidikou, oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay kusii sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya, islamarkaasina ay kasii mid ahaan doonaan dagaalka lagula jiro xagjiriinta Al-shabaab.

“Ciidamada Kenya waa kuwo aan sinaba looga maarmin dagaalka lagula jiro Al-shabaab” ayuu yiri Dr Maman Sidikou.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay qeyb ama door libaax leh ka qaadanayaan ka xureenta Al-shabaab deegaanada ay kaga suganyihiin Jubooyinka iyo Gedo.

sidik“Ciidamada Kenya iyo kuwa ka socda dalalka kale ee qeybta ka ah la dagaalanka Al-shabaab, ma ahan kaliya ineey ineey nabad iyo xasilooni kusoo dabaalayaan Soomaaliya oo qura ee waxay sidoo kale ka shaqeeynayaan daganaanta Geeska Afrika iyo Gobolka oo idil, sidaas darteed lama joogo xili la siyaasadeeyo joogitaan ciidamada Kenya ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr Maman Sidikou.

Ciidamada Kenya ayaa door weyn ku lahaa qabashada magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo ay horay ugu sugnaayeen xagjiriinta Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada