Gudiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weeydiiyay Saraakiisha (AMISOM)

Gudiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weeydiiyay Saraakiisha (AMISOM)

daajis.com:- Kaib markii ay soo noq noqdeen tacadiyada iyo xasuuqa ay ciidamada AMISOM u geeysanayaan dad shacabka ah, ayaa shalay waxaa Muqdisho kullan ku yeeshay Gudiga difaaca Baarlamanka.

Guddiga difaaca Baarlamanka ayaa su’aalo weeydiiyay saraakiil sar sare oo ka socotay ciidamada AMISOM oo ay kamid ahaayeen Danjiraha midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou, Taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jen. Jenethan Ronu, ku xigeenkiisa iyo Saraakiil kale oo AMISOM katirsan.


Xuseen Carab Ciise, oo ah gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamanka Soomaaliya oo shir gudoominayay shirka Su’aalaha lagu weeydiinayay Saraakiisha AMISOM, oo kullanka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay ineey Saraakiisha AMISOM wax ka weydiiyeen tacadiyada iyo xasuuqa ay ciidamadooda ka geysteen magaalooyinka Marka iyo Halgan.

Xuseen Carab Ciise, ayaa sidoo kale sheegay ineey saraakiisha AMISOM isla meel dhigeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo soo baara sidii ay wax u dhaceen.



Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee ku sugan Shabeelaha Hoose, ayaa 2 dhacdo oo hal isbuuc gudihiisa ah waxay si ula kac ah u xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana xusid mudan in dadka la xasuuqay ay kamid ahaayeen qoys ka kooban 4 wiil iyo Aabihii dhalay.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxay rasaas la dhaceeb Gaari ay saarnaayeen Odoyaal-dhaqameedyo.

Falkaan oo ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ku naf waayay 6 Odoy-dhaqameed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada