daajis.com:- Madaxweynaha Maamulaka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Doolow ee gobolka Gedo,
Madaxda iyo Dadweynah degmada Doolow ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey garoonka degmadaasi doolow, iyadoo ay wafdigan ay horkacayeen madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, mudane c/lahi sh.ismaaciil Fartaag oo maalmo ka hor goobtaasi gaaray iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Abdirashid Hassan Abdinur (Hanan) iyo masuuliyiin kale.
Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa saxaafada la hadley madaxweynaha Jubbaland, isaga oo maamulka iyo shacabweynaha degmada Doolow uga mahadceliyey soo dhaweynta, iyo sida uu ugu faraxsanyahay imaatinkiisa degmada doolow.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at