daajis.com:- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka baaqday safar la filayay inuu ku tago dalka Uganda, si uu ugu qeyb gallo shir madaxda Gobolka ay ka yeelanayaan xaalada Koofurta Sudan.
Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Uganda ayaa goor sii horeysay oo shalay aheyd u sheegay Wariyeyaasha in Madaxweynaha Sudan lagu casuumay shir madaxeedka ka dhici doona aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.
“Madaxweyne Bashiir waxaa lagu casuumay inuu ka qeyb galo shir madaxeed ay leeyihiin madax gobolka, waxaa rajeyneynaa inuu ku soo biiro, oo uu ka qeyb galo shirka loogaga hadlayo xiisada ka taagan Koofurta Sudan iyo sida loo soo afjari karo”ayuu yir James Mugume.
Jariirada Sudan Tribune ayaa qortay in Madaxweynaha Sudan uu diiday inuu u safro Uganda, iyadoo aanan loo damaanad qaadan inaan la xiri doonin, maadaama Maxkamada caalamiga ee ICC ay horay ugu jartay amar lagu soo xirayo, kadib markii lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada.
Sarkaal ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in booqasho Madaxweyne Al-Bashiir uu ku yimaado Uganda aanay dhalin doonin wax dhacdo diblomaasiyadeed ah, isagoo xusay in sababtu tahay in Midowga Afrika uu qaatay mowqif ah in aan lala shaqeyn Maxkamada dambiyada aduunka ee ICC, isagoo intaa raaciyay in aanay iyagu waajib ka saarneyn inay xiraan Al-Bashiir.
Bilo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Sudan oo ka qeyb galayay shir madaxeedkii ka dhacay Koofur Afrika Maxkamad ku taal dalkaas ay ku amartay in la soo xiro, kadib markii Maxkamadda ICC ay ka heshay dalab, waxaana muranka ka dhashay amarkaas uu keenay in xiisad dhinaca siyaasada ah oo soo kala dhex gashay Sudan iyo Koofur Afrika.
Madaxweyne Al-Bashiir ayaa markii dambe si nabad uga soo dhoofay Koofur Afrika, waxaana uu ka dhega fureystay go’aankii Maxkamadda dalkaas ku gaartay in aanu dalka ka bixi karin.
Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan ayaa laga yaabaa inuu ka qeyb galo shir madaxeedka uu marti gelinayo Madaxweynaha Uganda.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn ayaa maanta oo isniin ah ku kulmi doona aqalka Madaxtooyada Entebbe, iyagoo ka wada hadli doona xiisada ka taagan Koofurta Sudan iyo sidii lagu soo afjari lahaa.
Madaxda dalalka Gobolka ayaa bishii la soo dhaafay arrimaha Koofurta Sudan kala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo dhamaadkii bishii hore booqday magaalada Addis Ababa, iyadoo horay IGAD ay dadaalo nabadeed ka dhex waday dowladda iyo Mucaaradka, si loo soo afjaro qalalaasaha uu faraha la galay dalkas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at