Sawiro: Mareeykanka oo dhaqaale xoogan ugu deeqay Booliska Soomaaliya

Sawiro: Mareeykanka oo dhaqaale xoogan ugu deeqay Booliska Soomaaliya

daajis.com:- Mareeykanka ayaa dhaqaale dhan $1.5 malyan ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, deeqdaan ayaa waxaa lagu fulin doonaa dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqdan taa soo fududeynayso in labada dowladood isaga kaashadaan, si wada jir ahna uga wada shaqeeyaan, sidii loo taa kulayn lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si sare loogu qaado ciidanka tayadiisa si ay uga hortagaan dembiyada abaabulan.

Mashruucdaya la fulinayaa ayaa waxaa ka mid ah tababarada, dhaqangelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida kartida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyadoo ahmiyada la siinayo Waaxda Dembi Baarista(CID).

Mashruuca wuxuu kaloo awood siin doonaa Booliska gobolada ee dhowaan la dhisay kuwaasoo laga caawini doono sidii ay uga hortagi lahaayeen dembiyada iyo argagixisnimada.


Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti oo hadal gaaban halkaas ka jeediyey ayaa wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga Gaarka ah ee Doladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya.

Gebagadii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid wax weyn ka badeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada