daajis.com:- Warbaahinta Maamulka Somaliland ayaa si weyn u tabiyay dhacdo Ugub ah dad badana ay layaab ku noqotay kadib markii Maxkamad kutaala Magaalada Hargeysa ay amartay in la isku guuriyo Wiil 13-sano jir ah iyo gabar 12-jir ah oo damac guur kala galay .
Wiilka iyo Gabadha ayaa la sheegay in ay isla baxsadeen markii hore ,hasa ahaatee ehelada labo caruur ayaa shaki ka galay sida ay suurto gal ku noqon karto in labadan caruur ee is jeclaaday la isugu guuriyo, waxa ayna kiiska arintaasi geeyeen Maxkamad kutaala Magaalada Hargeysa.
Labada Qoys ay kasoo kala jeedaan Caruurtan yar yar ee is doortay ayaa ku kala aragti duwaanaaday in la isku guuriyo, waxa ayna qaarkood soo jeediyeen in caruurtan lakala celiyo , halka kuwa kalana ku talieen in la isku guuriyo.
Qoysaska labada caruur ayaa ugu dambeyn isla gartay in kiiskaasi ay Maxkamada geeyaan maadaama ay ku adkaaatay , waxaana kiiska arintan iyo sida la isugu mehrin karo caruurtan loo gudbiyay Maxkamad kutaala Magaalada Hargeysa.
Maxkamad ayaa ugu dambeyn u garqaaday Qoysaska labada caruur ee damaca guur uu soo galay, waxa ayna Maxkamada go’aamisay in labada caruur la isku guuriyo iyadoona Maxkamadu fartay in labada qoys ay gacan ka geestaan guurka caruurtan ayna u duceeyaan.
Maxkmada qaaday Dacwada Kiiskan ayaa sheegtay in uu yahay kiiskii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo maxkamada la horkeeno, waxa ayna arintan noqotay mid si weyn looga hadal hayo Magaalada Hargeysa iyo Deegaano kale.
Waxaa warka la xariira caruurtan Damaca guurka kala galay iyo sawiradooda ay si weyn ugu baaheen baraha ay Bulshadu kuwada xariiraan, waxaana Facebooka lasoo dhigayay sawiro muujinaya caruurtan oo xaflad aroos loo dhigay la iskuna guuriyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at