Shirka maamul loogu sameenaayo Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo maanta Muqdisho lagu saxiixay

Shirka maamul loogu sameenaayo Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo maanta Muqdisho lagu saxiixay

daajis.com:- Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada lagu saxiixay shirka maamul loogu sameenaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxaana goobjoog ka ahaa M/weyne Xasan Sheekh.

Heshiiska maamulka loogu sameenaayo Goboladaasi waxaa saxiixay Gudoomiyayaasha gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan iyo xubno kale oo ay wasiiro ka mid ahaayeen.

M/weyne Xasan Sheekh oo qudbad ka jeediyay halka lagu saxiixay heshiiska ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in maamul goboleed loo sameeyo labadaan waxa uuna cadeeyay in ay taageeri doonaan.

Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe Xasan Dhicisoow ayaa sheegay in maamulkiisa ay u diyaar garoobeen marti galinta maamulka loo sameenaayo labadaan Gobal waxa uuna cadeeyay in dhankasta ay diyaar u yihiin.

Sidoo kale waxaa isaga hadalkiisa jeediyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax waxa uuna sheegay in maamulkiisa ay u diyaar garoobeen marti galinta shirka maamulka loogu sameenaayo labada gobal waxa uuna cadeeyay in uu mar hore dadka deegaanka diyaariyay.

Shirka ayaa la isku waafaqay in uu furmo 1 September  2015 ,balse waxaan wali la shaacin halka lagu qaban doono shirka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada