daajis.com:- Siyaasiga Maxamed Cali Xeyle oo kamid ahaa Guddigii Farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sanadii 2012-ka, ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya ee la doonayo in lagu dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Siyaasiga ayaa sheegay in qaar kamid ah beelaha dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe aan lagala tashan saxiixa iyo heshiiskii lagu gaaray Madaxtooyada iyo qorshaha lagu doonayo in maamul loogu dhiso labada Gobol .
Maxamed Cali Xeyle ayaa xusay in Beesha Murusade ee Degta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe la duudsiiyay xaquuqdii ay ku lahaayeen Goboladaasi wax latashi ahna aan lagala sameyn mamaulka loo dhisayo , waxa uuna tilmaamay in Beesha ay deegaano iyo Magaalooyin badan ay ka degto Goboladaasi .
‘’Beesha Murusade waxa ay dagtaa oo lawada ogyahay Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe, anigan kula hadlaya waxaan ku dhashay Degmada Buulo Burte waana lawada ogyahay waxa aan ka qabanay Degmadaasi aniga iyo Walaalkey Prof Axmed Cali Xeyle, waxaan ku sameenay dib u dhis balaaran Isbitaalkii Buulo Burte ,waxaan sidoo kale keenay dhaqaatiir ajaaniib ah oo u dhashay Mareykanka iyo kalkaaliyaal caafimaad, dadka Degan Degmadaasi iyo Deegaanada kale ay way la socdaan hormada aan ka geesay Buulo Burte iyo Deegaano kale oo Hiiraan katirsan, waana nasiib daro in la xaqiro beel dhan wax ka degta Gobolada Maamulka loo dhisayo ‘’ Ayuu yiri Siyaasi Maxamed Cali Xeyle
Siyaasi Maxamed Cali Xeyle ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh in dib loogu laabto heshiiskii lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya ,lana tixgaliyo beesha Murusade oo deegaan rasmi ah ku leh Gobolada Maamulka loo dhisayo.
Beesha Murusade oo kamid ah Beelaha Dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha ayaan lagu marti qaadin heshiiskii lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa sidoo kale beeshaasi aan laga tix galin dhismaha Maamulka loo sameenayo labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at