War culus:-Masar oo Digniin kama dambays ah iyo amar wada socda farta kasaartay Itobiya.

War culus:-Masar oo Digniin kama dambays ah iyo amar wada socda farta kasaartay Itobiya.

daajis.com:- Dawlada dalka Masar ayaa shaacisay inay Go’aan kamadambays ah kaqaaday Biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee ay Itobiya dhisanayso kaasi oo in muda ahba is mariwaa xoogan uu kataagnaa.

Shirkii Todobaad ee looga hadlayay xal u helida xaalada cakiran ee kadhalatay biyo xidheenkaas ayna Yeesheen dawladaha Masar, Sudan iyo Itobiya, ayaa lagu kala dhaqaaqay isaga oo aan wax Natiija ah laga Gaadhin, kadib markii Itobiya ay ku adkaysatay dhismaha biyo xidheenkaasi.

Xukuumada Masar oo kacadhootay hadalka kasoo baxay wafdigii Itobiya ayaa qaadatay Go’aan deg deg ah waxayna wafdigii kasocday oo uu Hogaaminayay wasiirka Waraabku isaga baxeen Gabi ahaan shirka, taasi oo keentay in uu soo Afjarmo Hanaankii wada xaajoodka ee lagu maaraynayay dhismaha biyo xidheenkaasi.

Kadib fashilka kuyimid hanaankii wada xaajoodka dalalka Masar Sudan iyo Itobiya ayay xukuumada Masar Digniin kama dambays ah u Gudbisay Itobiya, taasi oo ay ugu sheegtay inay kusoo Af jarto Qodista biyo xidheenkaasi.

Alaa Yassin oo u hadlay wafdigii dalka Masar ayaa xaqiijiyay inay Itobiya u Gudbiyeen Go’aanka kamadambaysta ah ee dalka Masar, kaasi oo uu kusheegay inaysan Masar qaadanayn wax kayar Joojinta biyo xidheenkaasi.

Aala Yasin ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay dalalka dunida ee kharaska Galinaya biyo xidheenkaas kuwargaliyeen inay Joojiyaan maal galinta Daamkaasi maadaama laysku haysto oo aan Heshiis lagu ahayn.

Wasiirka Waraabka ee Masar waxaa isna uu sheegay in Masar marnaba aysan aqbalayn sii socoshada dhismaha biyo xidheenka Itobiya doonayso inay ku boobto biyo aysan lahayn, waxaana uu intaasi kudaray inaysan Masar ka leex leexanayn difaacashada xaqa ay u leedahay Qaybteeda biyaha Wabiga Nile.

Ilaa iyo haatan Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Itobiya oo laxidhiidha Digniinaha kamadambaysta ah ee ay Masar ugu jeedisay inay kujoojiso biyo xidheenka ay mudada dheer soo Qodaysay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada