daajis.com:- Wasiirka duulista iyo saadaasha hawadda ee dowladda Federaalka ee soomaaliya mudane, Cali Axmed Jaamac (Jengali) oo labadii maalmood ee u danbaysay ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn
ayaa wuxuu salaan sharaf ka qaatay inta uusan ka soo duulin magaaladaasi ciidamo deegaanka ah oo sugayey Amniga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle.
Saraakiisha Ciidamada ee goobta ku sugnaa ayaa ka warbixiyey Xaalada amni ee deegaanka Buuhoodle, waxayna sidoo kale sheegeen in wali ay jirto Dhibaato lagu hayo deegaanka Taasi oo ay ugu wayntay Soomaalinimada.
Wasiirka oo dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan Baahiyaha loosoo gudbiyey, Waana Wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan Dawladda Federaalka ee soo gaara deegaanka Buuhoodle Isagoo Xil haya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at