daajis.com:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dalka kenya oo lagu magacaabo Imenti Gideon Mwit , ayaa fadeexad fool xun dhaxda uga jira, kadib markii lagu eedeeyay in uu kufsi u geestay Gabar Wariye ah oo gurigiisa ku booqatay.
Imenti Gideon Mwit ayaa iska fogeeyay dambiga loo heesto ee ah in uu kufsi u geestay Gabar Wariye ah oo gurigiisa kusoo booqatay ,waxa uuna ku tilmaamay kiiskaasi mid wax kama jiraan ah oo la dhoo dhoobay.
Maxkamada sare ee Dalka Kenya ayaa hakad galisay kiiska kufsi ee loo heesto Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Kenya, waxa uuna garsooraha maxkmada uu ku dhawaaqay in kiiskan la joojiyay ilaa amar dambe.
Garsooraha maxkamada sare ee Dalka Kenya Weldon Korir ayaa ku dhawaaqay in hakad la galiyay kiiska kufsi ee loo heesto Xildhibaan Imenti Gideon Mwit, waxaana dhageesiga dacwadaha loo heesto xildhibaankan loo balansanaa 19-ka bishan .
Xildhibaan Imenti Gideon Mwit , ayaa dadaal badan ugu jira in gabi ahaan la baabi’iyo kiiska kufsi ee loo heesto, waxaana laga dhursugayaa natiijada kasoo baxda codsi uu Xildhibaanka hor dhigay maxkamada uu ku doonayo in la joojiyo kiiska dambi ee lagu eedeeyay.
Fadeexada kufsi ee lagu soo eedeeyay Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa si wey u gilgsihay dalka Kenya, waxaana dhacdadan ay noqotay mid ay si weyn u faaqidaan warbaahinta ugu afdheer dalka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at