daajis.com:- Kullankii shalay ee Golaha wasiirada oo looga dooday arrimo farabadan, ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray xasuuqii ay ciidamada AMISOM isbuucii lasoo dhaafay ka geysteen magaalada Marka.
Ciidamada AMISOM ayaa xasuuq u geystay dad ka badan lixdan ruux oo ku noolaa Xudur iyo Marka, iyadoo dhacadadii u dambeysay aheyd maalin ka hor markii dad isku qoys ahaa ku laayeen gudaha magaalada Marka.
Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in loo saaray Guddi soo baara oo xaqiiq raadin ku sameeya dhacdooyinkaas, inkastoo aan lagu dhawaaqin xubnaha Guddigan.
“Guddi xaqiiq raadin ah ayaa loo xilsaaray arrintaas iyo tacadiga ay geysteen AMISOM, waxaa la baarayaa, sida wax u dhaceen, wixii ay la soo kulmaan guddigaas ayay Golaha Wasiirada horkeeni doonaan”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Warfaafinta oo la hadlay Idaacada VOA.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay inay cabasho kaga timid dadka shacabka, taasna ay keentay in Golaha Wasiirada ka doodaan, isla markaana Guddi soo baaro loo saaro tacadiyadaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at