daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia laga dareemayaa Nabad iyo Xasilooni, kadib markii Taliyaha Hay’adda Nanadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia General Cabdiraxmaan Tuuryare (Cumda) uu Juhdi farabadan ku bixiyay maaro u helida amaan daradii horay uga taagneyd dalka.
Taliye Tuuryare ayaa inta badan Magaalada Muqdisho ka hirgaliyay Barokoontarool oo lagala socda amaanka guud ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo suuragalin kara habsami la socodka amaanka dalka.
Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa goortii loo xushay xilkaasi waxa uu mudo kooban Magaalada Muqdisho uga sifeeyay Kooxihii kasoo horjeeday Amaanka, waxa ayna taasi suuragalisay in Taliyaha xiliyada qaar habeenkii uu Magaalada Muqdisho ku dhex lugeeyo iyadoona ay taasi muujineyso heerka uu xiligaani gaarsiisan yahay Amaanka dalka.
Taliye Tuuryare ayaa wacad ku maray in Muqdisho uu cagaha dhulka u dhigi doono, isaga oo si toos ah u beegsan doono xarumaha ay ku dhuuntaan Xoogaga Alshabaab ee xiliyada qaar falalka isugu jira dilalka iyo Qaraxyada ka geysta dalka.
Nabadgalyada ka taagan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay suuragalisay in Muqdisho xili waliba ay marti galiso Ajaanib si nabadgalyo ah u dhex lugeynaayo Magaalada iyaga oo aan la kulmin wax caqabad ah.
Xasiloonida iyo Nabadgalyada ka taagan Magaalada Muqdisho ayey alle ka sokow u sugnaatay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Cumda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:00 and have
, Published at