Daawo:- Telefishinka Universal oo lagu tilmaamay TV u shaqeeya Itoobiya iyo hees laga daayay oo caro keentay!!

Daawo:- Telefishinka Universal oo lagu tilmaamay TV u shaqeeya Itoobiya iyo hees laga daayay oo caro keentay!!

daajis.com:- Taageerayaasha Gudoomiyaha Jabhada xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa waxaa la sheegay inay caro weyn ay ka muujiyeen hees lagu bahdilaayey gudoomiyaha jabhadaas oo dhawaantaan laga sii daayey Telefishinka Universal tv ayagoona ku tilmaamay telefishinkaas mid u shaqeeya dalkaas Itoobiya. 


Barnaamij iyo hees meel ka dhac ku ahayd gudooomiyha Jabhada xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF Maxamed Cumar Cismaan oo dhawaantaan laga sii daayey Telefishinka Caalamiga ee Universaltv ayaa waxaa la sheegay inuu muran iyo is qab qabsi weyn uu ka dhashay iyadooona taageerayaasha gudoomiyaha ay arintaas caro weyn ay ka muuijiyeen ayagoona ku tilmaamay inuu telefishinka Universal tv yahay mid u shaqeeyo dalkaas Itoobiya, Barnaamijka Faaliyaha Qaranka ayaa waxaa ka soo muuqday nin loo ekeysiiyey Gudoomiyaha Jabhadaas kaas oo loo qaadaayey hees lagu aflagaadeynaayo gudoomiyaha islamarkaana loogu hanjabaayo in la soo taagi doono maxkamada dambiyada Aduunk ee The Hague


Ugu dambeyntiina iyadoo taageerayaasha Jabhada Xoreynta Ogaadeniya ay caro weyn ka muujiyeen heestaas ayaa waxaa kale oo ay taageerayaashaasi ay sheegeen in mudooyinkii ugu dambeeyey ay jirtey wada shaqeyn baaxad weyn oo u dhaxaysa telefishinka Universal Tv iyo dowlada dalkaas Itoobiya iyadoona ay sidoo kale ay mudooyinkii ugu dambeeyey laga sii daynaayey telefishinkaas dacaayado ka dhan ah jabhada ONLF, Jabhada ONLF oo ku doodeyso inay xoreyn doonto goboloada Ogaadeeniya ee dalka Itoobiya ayaa waxay dad badan ay is weydiinayaan waxa ka indho saabay jabhadaas horumarka baaxada weyn ee ay ku tilaabsadeen deegaanadaas mudooyinkii la soo dhaafay. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada