daajis.com:- Dowladda Somaliya, ayaa waxay xiri doontaa hoteelada Magaalada Muqdisho, haddii aynaan soo buuxin sharuudaha, ka dib markii lagu amray inay fuliyan awaamiir ay dhawaan duldhigtay Wasaaradda Amniga Qaranka.
Maamulayaasha hoteelada iyo Wasaaradda Amniga, ayaa ku heshiiyay in la fuliyo qodobo dhowr ah, kuwaa oo qayb ka ah arrimaha ammaanka, iyadoona lagu xaqiijinayo amniga macaamiisha.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay tallaabada lagu xiraayo hoteelada, haddii ay dhegaha ka fureystan buuxinta sharuudaha.
Afhayeenka, ayaa Maamulada hoteelada ugu baaqay inay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda, ka dib markii uu sheegay in labada dhinac ay sidaa ku heshiiyen.
Sharuudaha hoteelada la duldhigay
In hoteeladu sameystan kaamirada CCTV oo hore iyo gadaalba wax ka duubi karta
In hoteeladu lee yihiin daafacyo adag oo ay ku lee yihiin afaafka hore ee hoteelada
In hoteeladu ka masuul yihiin ammaanka macaamiisha, ayna lee yihiin ciidan sugga ammaanka
In hoteeladu lee yihiin laba albaab, haddii dhibaato dhacdo, si albaabka kale looga baxo.
Miyay kula tahay qodobada ay soo bandhigtay hay'ada Amniga kula horseedi karo Amniga Hoteelada???
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:30 and have
, Published at