Ganacsato dukaamo ku leh Wadada Makka Al-Mukarama oo Maanta Ganaax loo qaybiyay (VIDEO)

Ganacsato dukaamo ku leh Wadada Makka Al-Mukarama oo Maanta Ganaax loo qaybiyay (VIDEO)

daajis.com:-  Ganacsato dukaamo ku leh wadada u dhaxaysa isgoyka Banaadir ilaa dhamaadka wadada Makka Al Mukaramma ayaa maanta Dowladda Hoose Xamar ay ganaaxday ganacsato, ka dib markii lagu helay inay qashin soo dhigeen wadadaasi.

Dadka la ganaaxay, ayaa isugu jira ganacsato dukaamo ku haysta wadada iyo kuwo kale, oo leh labaajadaha gawaarida lagu dhaqo, waxaana si isku mid ah loogu eedeeyay inay sameeyeen waxyaabo ka dhan ah billicda Caasimadda.

Ganacsatadan ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag u dhaxeyso boqol illaa shan boqol oo kun oo shilinga Soomaaliga ah, iyagoona lagu amray in wixii maanta ka danbeeya ay ilaaliyaan nadaafadda wadada.

C/fataax Cumar Xalaneoo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysteen awaamiir ay horey kaga soo saareen arrimaha billicda Caasimadda.

Xalane oo la hadlay Warbaahinta, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan tallaabada ay ku ganaaxayaan ganacsatada aanan ilaalin nadaafadda ee dukaamada ku leh wadooyinka Magaalada Muqdisho.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada