Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo ka heshiiyay gacan ka hadalkii dhex maray: Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo ka heshiiyay gacan ka hadalkii dhex maray: Sawirro

daajis.com:- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi “Ciro” iyo kuxigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ayaa ka heshiiyay gacan ka hadalkii xarunta golaha wakiilada ku dex maray, kadib markii ay todobaadkii hore ay labadooda isku fahmi waayeen mooshin laga soo gudbiyay haamaha shidaalka Berrbara oo xukuumadda dooneysay in la ansixiyo mooshinkaasi.

Labada shir guddoon ayaa isku gacan qaaday fadhigii golaha wakiilada, iyagoo ka dalbaday xildhibaanada iyo shacabka Somaliland in ay cafiyaan.

heshiisFadhigii golaha wakiiladda ee maanta dib u furmay tan iyo markii gacan ka hadal dhexmaray shirgudoonka ayaa waxay labaddooduba golaha wakiilada horteedda ka heshiiyeen, isla markaana sheegeen in si iskood ah isku saamaxeen.

Guddoomiye Cirro oo toban sano ay soo wada shaqeynayeen kuxigeenkiisa ay fadrexo iyo ceeb ku tahay in ay ku kacaan fal gacan ka hadal ah, sidaasi darteedna ay ka dalbanayaan shacabka iyo xildhibaanada in ay saamaxaan.


Dhanka kale Baashe Maxamed Faarax ayaa dhankiisa cudur daar ka bixiyay falkaasi, isagoo sheegay in mar walba uu imaan karo khilaaf, balse ay tani tahay markii koowaad ee khilaaf uu dhaco.

Ugu danbeyntii waxay labada shir guddoon si laab furan ay isu cafiyeen golaha hortooda, iyagoo sheegay in wixii maanta ka danbeeya si sharciga iyo wada shaqeynta waafaqsan ku maamuli doonaan golaha wakiilada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada