Luke Shaw Oo Fariin Uu Soo Diray Ku Muujiyay Heerka Uu Marayo Soo Kabashadiisa

Luke Shaw Oo Fariin Uu Soo Diray Ku Muujiyay Heerka Uu Marayo Soo Kabashadiisa

daajis.com:-Daaficii dhaawaca haslita ahaa uu gaaray ee Luke Shaw ayaa markii ugu horeysay muujiyay herka uu maraya ka soo kabashadiisa dhaawicii halista ahaa eek u gaaray kulan ka tirsanaa tartanka Champions league ee ay la ciyaarayeen kooxda ree Holland ee PSV Eindhoven kaasoo keenay in qaliin looga sameeyo labo qeyb oo lugtiisa kamid ah.

Shaw ayaa baraha ay bulshada wax isku dhaafsato soo dhigay sawir muujinaya inuu markii ugu horeysy uu lugta dhulka dhigi karo, inkastoo ay wada dheer ay hortaalo sii uu markale garoomada ugu soo laabto.

Luke Shaw ayaa soo qoray “Wada dheer ayaa i hortaala laakin waxaan ku faraxsanahay inaan culeyska lugteyda dhulka dhigo markale” wuxuuna fariintaa soo raaciyay Shaw sawir uu ku muujinayo inuu lugtiisa dhulka dhigi karo.

Van Gaal ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Shaw oo qoslaya oo farxadi ay ka muuqato wuxuuna yiri “Shaw wuxuu maqnaan doonaa ugi yaraan lix bilood, waa wax ku xiran sida uu u soo kabto, waxaan filayaa inuu cadaadis kaas xamili karo, laakin waa wax adag, koley intaa ka arkay wuxuu ahaa nin ad u faraxsan”.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada