Ma gafe:- iyo sideed asxaabtiisa ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Libya

Ma gafe:- iyo sideed asxaabtiisa ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Libya

daajis.com:- Salah al-Maskhout oo ay soomaalida u taqaan "Ma gafe" islamarkaana dalka Libya ka tahriibiya dadka u socda qaaradda Yurub ayaa maalinimadii Jimcaha howlgal ka dhacay dalkaasi lagu dilay isaga iyo sideed kale oo asxaabtiisa ah.

al-Maskhout ayay wararku sheegayaan in marki la dilayay uu "indha-indheynayay"  wado cusub oo dadka tahriibka la marsiiyo maadaama wadooyinkii hore ay fashilmeen.

Warar la isla dhex marayo magaalada Tripoli, caasimadda dalka Libya ayaa sheegaya in howlgalka lagu qaaday ninkan iyo kooxdiisa ay fuliyeen xoogag ajaanib ah oo aan heybtooda la garan.

Dowladda Talyaaniga oo ninkani uu tahriibayaal badan dalkeeda u xawilay ayaa sheegtay in al-Maskhout uu howlgalkan ku dhintay balse dad qaraabadiisa ah waxa ay sheegeen in uu ka bad-baaday.

Maskhout ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday magaalo xeebeedka Zuwara, waxaana uu magaciisa soo shaac baxay kadib markii uu qabsaday suuqa tahriibka dalka Libya.


Soomaali badan oo dalka Libya tahriib kusoo martay ayaa si wanaagsan u taqaan ninkani oo ay ula bexeen magaca "Ma gafe", kaas oo ay ula jeedaan marba hadaad tahriibeyso oo aad dalka Libya marto in aadan is gafeynin ninkani Libyanka ah.

Si kastana dilka ninkani ayaa kusoo beegmaya xilli dowladaha Midowga Yurub ay ku dhaarteen in ay wax ka qabanayaan qul-qulka tahriibka ee dalkaasi Libya ka imaanaya, iyagoono ballan ku qaaday in beegsan doonaan ragga la midka ah Salah oo fududeeya tahriibka Yurub.

al-Maskhout iyo asxaabtiisa ayaa malaayiin dollar ka sameeyay tahriibka, iyadoona ay u sii dheereyd dhac iyo faraxumeyn ay u geystaan tahriibayaasha soomaalidu ay ka midka aheyd.

Xigasho: Theguardian

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada