daajis.com:- Munaasabada Ciidul Adxaa waxaa dhamaan dunida Islaamka ka dhacay dabaaldagyo waa weyn ay sameenayeen dadka Muslimiinta ah, waxaana goobaha qaar lagu soo bandhigayay Mahrajaano iyo ciyaaro xiiso badan.
Magaalada Jilib oo gacanta ugu jirta Xarakada Al-Shabaab waxaa lagu qabtay Mahjaraan cajiib ah ay kasoo qeyb galeen boqolaal Dadweyne ah, Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab iyo Dagaalyahano, waxaana mahjaraankaasi ka qeyb qaadanayay dad shacab ah iyo dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.
Mahrajaanka intii uu socday ayaa lagu soo bandhigay Ciyaaro kala duwan oo aad u xiiso galiyay daawadashaada, waxaana sidoo kale Mahrajaanka qeyb ka ahaa tartamo nuucyo kala duwan lahaa ay ka qeyb galeen dhalinyarada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at