daajis.com:- Sheekada ku saabsan hogaamiyihii hore ee ururka Alqacida Usama Bin Laden, ayaa u muuqata mid wali uu mugdi ku jiro iyadoo doowlada Mareeykanka ay sanado kahor sheegtay ineey dishay.
Edward Snowden oo horay ula soo shaqeeyay sirdoonka Mareeykanka, balse haatan baxsad ah kuna nool Ruushka, ayaa sheegay inuu haayo dukumintiyo muujinaya in Usama uu noolyahay oo aan la dilin, islamarkaasina uu ku noolyahay Jaziirad ku taal mareeykanka oo lagu magacaabo “Bahamas? Ayna ilaalo ka hayaan ciidamo CIA ah.
La yaab malahan in Snowden uu sheego inuu hayo Dukumiintiyo muujinaya inuu noolyahay Usama, maxaa yeelay waxa uu horay usoo bandhigay siro iyo xogag badan oo uu ka hayay Mareeykanka, balse tan la yaabka iyo fajaca leh, ayaa ah nuuca uu noqon karo xiriirka ka dhaxeeya Mareeykanka iyo Osama oo dad badani aaminsanyihiin ilaa iyo hadda inuu ahaa Cadawga kaliya ee Mareeykanka.
441Snowden ayaa sheegay inuu hayo cadeeymo 100% oo muujinaya inuu noolyahay Usama Bin Laden, islamarkaasina uu 100% Caafimaad qabo uuna ku raaxeeysanayo Jaziirada Bahamas, ayna ilaalinayaan ciidamo gaar ah oo katirsan CIA-da.
Edward Snowden oo hada ku nool magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa wareysi uu siiyay Jaraa’idka Moscow Tribune, waxa uu sheegay inuu haayo cadeeyo muujinaya wakaalada sirdoonka Mareeykanka oo dhaqaale xoogan Xawaalado u marsiineysa dhinacyo taabacsan Bin Laden, Snowden ayaa sheegay sidoo kale inuu kamid ahaa shaqsiyaadkii diyaariyay dil been abuur ah oo lagu qaarijinayay hogaamiyaha Alqacida.
Snowden ayaa ballan qaaday inuu dhawaan soo bandhigi doono Buug ka hadlaya xaqiiqda la xiriirta dilka Usama Bin Laden.
Xigasho: Aljazeera
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at