Taageerada Daacish ee Afghanistaan oo sii kordheysa

Taageerada Daacish ee Afghanistaan oo sii kordheysa

daajis.com:- Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu ka welwelsan yahay dadaalka uu ururka ISIS ugu jiro inuu joogis xoog badan ku yeesho dalka Afghanistan.

Sarkaalka ayaa hadalkan sheegay maalin ka dib markii QM ay soo saartay warbixin ka hadlaysa in ururkan mitidka ahi uu joogis ku yeelanayo dalkaas Afghanistan.

Warbixintan oo ay qortay kooxda dusha daba galka ururka AlQaacida ayaa lagu sheegay in tirada dadka iyo kooxaha sida cad u sheegaya beer nugeylka ay ururka ISIS u hayaan ay aad ugu sii kordheyaan dalka Aghansitan.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in xoogagga Amniga ee Afghanistan ay ku qiyaasayaan tirada niyadda kala jirta ururka IS ee ka tirsan ururka Taliban ay aad kor ugu kacday.

Xigasho: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada