daajis.com:- Kooxda Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo xasuuqday kooxda hogaanka horyaalka haysay ee Manchester City, waxay Tottenham kulankan ku soo guulaystay 4:1 blase kulkan ayay labada kooxood iska dhaliyeen goolal uu shaki badan oo offside ahi ku jiray.
Inkasta oo ay Man City hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu Kevin De Bruyne goolka furitaanka udhaliyay ayay Spurs samaysay soo laabasho cajiib ah iyada oo cawska White hart Lane cunsiiyay wiilsha Pellegrini ee shanta kulan ee xidhiidhka ah soo guulaystay.Xaqiiqdii Man City ayaa burburtay maqnaanshaha qalbi difaaceedi iyo waliba kabtankeedii Kompany waxaana dhibaato wayni ka haysatay dhinaca isku xidhka difaaca.
Manchester City ayaa ciyaarta dardar ku bilaabatay waxayna taasi keentay inay daqiiqadii 25 aad la timaado goolka kaliya ee ciyaartan ka dhaliysay waxaana gool uu shaki offside ahi ku jiro dhaliyay Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Man City hogaanka kula wareegtay.De Bryune
Kadib markii ay City fursado fiican iska lumisay ayay Tottenham markeeda ka faa’iidaysatay gool u muuqday inuu offside ahaa waxaana goolkan kooxda Spurs udhaliyay Eric Dier kaas oo daqiiqadii 45 aad ee dhamaadka qaybta hore kooxdiisa udhalyay goolka ay ciyaarta dib ugu soo laabtay, waxaana qaybta hore lagu kala bastay barbaro 1:1 ah.Eric Dier
Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybta danbe ayay Tottenham soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socota dardar ay difaaca Man City u taag waayeen.Waxaaana Tottenham goolkeeda labaad ee ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay udhaliyay Toby Alderweireld kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Spurs markeeda hogaanka ciyaarta ku qbatay.Toby Alderweireld
Laakiin goolkan ayaa yimid iyada oo City laga filayay inay goolkeeda labaad la iman karto. Walker ayaa si cad ugu jiray offside-ka balse calan walaha ayaan wax jawaab ah bixin sidaana wuxuu caawiye ka noqday goolka uu Toby Alderweireld kooxdiisa udhaliyay.Kyle Walker
Daqiiqadii 61 aad ayuu Manchester City xaalku ku xumaaday kadib markii uu Harry Kane kooxdiisa udhaliyay goolkeeda saddexaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Tottenham hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.Eriksen ayaa darbo cajiib ah ku garaacay goolhaye Caballero laakiin darbada ayaa ugu danbayn ka soo booday birta goolka, wuxuuna markan nasiibkiisu shaqeeyay oo abaartii gool la’aanta ahaa ka baxay Harry Kane oo dhaliyay goolkiisii xili ciyaareedka ugu horeeyay.kane2
Harry Kane ayaan wax gool ah Premier Leaque-ga ka dhalin muddo 748 daqiiqo ah taas oo udhiganta 12 saacadood iyo 28 daqiiqo, laakiin goolka uu Kane kooxdiisa udhaliyay ayaa kala daadiyay isla markaana niyadjabka ugu wayn u keenay kooxda martida ahayd ee Man City.kane
Daqiiqadii 79 aad ayuu Erik Lamela ciyaarta hurdada u diray oo uu Manchester City samirsiiyay kadib markii uu kooxdiisa udhaliyay goolkeeda afraad ee ay sida dhabta ah ugu xasuuqday kooxda xili ciyaareedkan la filayay in aan la loodin doonin ee Citizens.N’Jie ayaa Kolarov dhinaca midig ku soo garaacay kadib ayuuna kubbad fiican u soo dhiibtay Lamela kaas oo markiisa Demichelis iyo Caballero garaacay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Spurs hogaanka ugu raaxaysanayso.Erik Lamela
Waa markii ugu horaysay ee ay Manchester City guuldaro intan leeg la kulanto tan iyo kulankii ay Liverpool 3:0 ku garaacday kulankaas oo dhacay April 2011. Manchester City ayaa ugu danbayn waayaysa hogaanka horyaalka kadib markii ay shan kulan oo xidhiidh ah soo guulaystay balse guuldaradan ayaa ah guuldaradii labaad oo xidhiidh ah, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4:1 City lagu soo xasuuqay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:05 and have
, Published at