daajis.com:- Muftiga ugu weyn dalka Sacuudiga, ayaa wuxuu beeniyay in Dowladda Sacuudiga ay wax ka qaban weyday dadkii faraha badnaa ee ku dhintay musiibadii maalin ka hor ka dhacday wadada Mina ee duleedka Magaalada Makka.
Abdul-Aziz ibn Abdullah Al Shaykh, ayaa wuxuu sheegay musiibadii Mina inay ahayd mid aanu waxba ka qaban karin bani’aadamku, isla-markaana ay ahayd qaddar xagga Alle ah.
Muftigu waxa uu difaacay Dowladda Sacuudi Carabiya, isagoona ku ammaanay dadaal weyn inay ka timid markii ay isjiiriddu bilaabatay, isla-markaana ay qabatay wixii karaankeeda ah.
Abdul-Aziz ibn Abdullah Al Shaykh, ayaa sidoo kale sheegay in hadda ka dib la samayn doono taxadir dheeraad ah, oo looga gaashamanayo inaanay dhicin isjiirkii Khamiistii oo kale.
Dowladda Sacuudiga, ayaa si xoogan u beenisay eedeymo kaga yimid dalka Iran, oo ahaa inay si wanaagsan u maamuli weyday hawlaha Xajka. Sacuudigu waxa kaloo uu iska diiday in uu qaato masuuliyadda dhimashada dadkaasi.
Iran, ayaa noqotay dalka ugu weyn ee dadkeedu ku dhinteen Xajka, waxaana la xaqiijiyay dhimashada 131 ruux oo Iran u dhashay. Morocco ayaa noqotay dalka labaad ee ugu dhimashada badan, waxaana kaga dhintay 78 ruux.
Toddobo qof oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqotay 717 Xujeyda ah ee Khamiistii ku dhimatay shilka ka dhacay Mina, oo 5km u jirtay Magaalada Makka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at