XOG: Puntland oo cabaneysa iyo Somaliland oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xaduudda.!

XOG: Puntland oo cabaneysa iyo Somaliland oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xaduudda.!

daajis.com:-  Wararka laga helaayo gobalada Sool iyo Nugaal ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay deegaanadaasi soo dhooben Ciidamo farabadan oo ku hubeysan gaadiid dagaal.

Ciidamadaani Somaliland ee deegaanadaasi lagu soo daadiyay ayaa la sheegayaa inay hurinayaan colaado la sheegay in iminka halkaasi ay ka taagan yihiin.

Ciidamo ka tirsan cutubyada halkaasi ay geysay Somaliland ayaa qeyb kamid ah la geeyay aagagii lagu dagaalamay todobaadkii la soo dhaafay gudihiisa, iyaga oo halkaasi kawada dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay carqalad ku galiyaan dadaalada nabadgalyada oo ay hada wado Puntland.

Maleeshiyada uu dagaalka u dhexeeyo ee ku nool deegaanadaasi ayaa waxaa iminka dadaal xal u helid ah ka dhex wada Xubno ka kala socda Maamulka, Isimadda iyo Culumada Diintu.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili horay Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab maamulka Somaliland ugu eedeeyay hurinta dagaalada u dhexeeya Beelahaasi walaalaha ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada