100 Ajaaniib ka baxsaday Shabaab oo laga qabtay Xeebta & War sheegaya..

100 Ajaaniib ka baxsaday Shabaab oo laga qabtay Xeebta & War sheegaya..

daajis.com:- Koox ka tirsan Ilaaladda Ciiddanka Badda ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay habeen hore ku qabteen meel ka baxsan Xeebta Degmadda Kilifi dooni ay la socdeen 100-qof oo u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Tanzania, kuwaasi oo Ciiddanka u sheegay inay yihiin Kalluumeysato, balse doonida lagama helin Qalabka lagu kalluumeysto iyo Kalluunkii ay soo jillaabteen.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay 80 u dhasheen dalka Tanzania, halka 26 kalena yihiin Kenyan ayaa lagu wareejiyey Boliska, waxaana lagu kala xiray dhowr Xaruun oo ku kala yaalla magaalladda Mombasa iyo Degmadda Kilifi.

Dhinaca kale, Sarkaal maanta u hadlay Boliska Kenya ayaa sheegay in dadkaasi looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, lagana yaabo inay ka yimaadeen Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada