daajis.com:- Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinet oo meel fagaaro ah kula hadlay Saxaafada ka howlgasha magaalada Nairobi ayaa ka hadlay burburka maleeshiyaadka Al-shabaab.
Joseph Boinet ayaa sheegay in burburka ku imaaday Al-shabaab uusan ku ekeen kaliya Al-shabaab iyo Daacish, balse ay jirto koox Seddexaad oo uu sheegay inay ku dhex milantay siyaasada qabiiliga ah ee Somalia.
Taliyuhu wuxuu xusay in koox taageersan ISIS ay ka hawlgalaan deegaanada dhaca waqooyiga dalka Kenya gaar ahaan xuduuda Kenya iyo Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
Daacishta Somalia ayuu sheegay inay ka sharbadan yihiin Al-shabaab, waxa uuna Umadda Africa uga digay inay cabsi ka muujiyaan kooxaha xagjirka ah oo ay ku dhiiradaan inay iska celshaan.
Shucuubta Africa ayuu ku booriyay inay muujiyaan feejignaan si mar waliba loogu diyaar garoobo dagaal ka dhan ah xagjiriinta ayuu yiri Joseph Boinet.
Ka sokow kala jajabka Al-shabaab ayuu sheegay in kooxda Seddexaad ee ku dhex milantay Siyaasada ay ka khatarsan yihiin labada garab ee kale ayuu sheegay, waxa uuna garabkaasi ku micneeyay inay dhaga-dhageeyan Siyaasada.
Dhanka kale, Joseph Boinet ayaa ka digay in Al-shabaab iyo Daacish ay gabaad ka dhigtaan gudaha iyo daafaha Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at