Aqriso qaar kamid ah qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo idlaaday

Aqriso qaar kamid ah qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo idlaaday

daajis.com:- Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Soomaalida uga soconayay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,kaas oo looga hadlayay geedi Socodka 2016.

Shirka oo maanta leysku weydaarsaday khudbado kala duwan ayaa waxaa ugu danbeyntii leysla gartay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayen:-

1-In la sameeyo aqalka hoose iyo aqalka sare, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya Hanaanka Doorashadda Somalia ee Sanadka 2016.

2-In Bisha soo socoto ee Janaayo 10-da la isugu yimaado Shir ka dhacayo magaalladda Kismaayo, oo lagu shaacin doono Hanaanka kama dambeysta ee doorashada 2016-ka.

3-In aysan jiri doonin xili kororsi markii uu dhamaado waqtiga hay’addaha Dowladda ee haatan jira.

4- Doorashada lbada aqal lagu saleeyo isku dheelitirka qaabka qabiilka ee 4.5 iyo Qaabka Deegaanka.

Shirka oo Saacado badan qaatay dibna uga dhacay Mudadii la doonayay in la soo xiro ayaa waxaa si dirqi ah loogu guuleystay in lasoo xiro si looga nasto is jiidjiidka madaxda dalka waxaana la go'aamiyay in lagu dhaqmo qodobada kor ku xusan inta laga gaarayo shirka ka furmi doono Kismaayo.

Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa inay goor dhow Saxaafadda u soo gudbiyaan War-murtiyeedkooda oo dhamaystiran, leh Saxiixa Madaxdii ku heshiisay Shirkaasi.

Qodobada afarta ka kooban ee kor ku xusan ayaa qeyb ka ah 7 qodob oo shirka laga soo saaray, balse waxaa ugu muhiimsan Afarta qodob ee aan soo xusnay.

La soco wararkeena danbe oo aan kusoo qaadan doono warmurtiyeedka oo dhameystiran

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada