daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in beesha caalamka aysan ka helin wax ictiraaf ah 24 sano kadib oo ay juhdi iyo dadaal ku bixiyeen sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi.
Axmed Siilaanyo ayaa hadalkaan ka sheegay kulan wasaaradda arrimaha dibada Somaliland isugu yeertay wakiilada u jooga dalalka caalamka, kuwaasoo uu Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay in ay yihiin dadkii laga sugayay in ay ka mira dhaliyaan sidii Somaliland dal ka madax bannaan Somalia u noqon laheyd.
siilaanyo“Somaliland waa qaran madax bannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, hase yeeshee nasiib darro ilaa iyo hadda 24 sano kadib ma helin aqoonsi caalamiya, ka mira-dhalinta arrintani waa mas’uuliyad saaran xukuumaddan aan madaxda ka ahay, idinkuna aad safiirrada u tihiin. Sidaas darteed, waxaan idiinku guubaabinayaa in aad xil weyn iska saartaan sidii aynu u xaqiijin lahayn in qarankani ictiraaf buuxa ka helo beesha caalamka”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Wuxuu intaa raaciyay in xaqiijinta iyo himilada ay tahay xilka iyo waajibka saaran dhamaan wakiilada Somaliland ee caalamka iyadoo wasaaradda arrimaha dibada buu yiri looga baahan yahay in ay dib u eegis ku sameyso heerka xil gudashada xafiisyada wakiilada Somaliland ee dalalka dibada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:38 and have
, Published at