daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho ka jira is-marin waa ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee Soomaaliya ee 2016-ka.
Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa doonayana 4.5, halka Puntland, Jubaland iyo beesha Abgaal ay doonayaan in hab degmo wax lagu qeybsado.
Dad badan ayaa is-weydiin kara sababta Shariif Xasan Sheekh uu u diidan yahay in hab degmo wax lagu qeybsado, uguna dheggan yahay 4.5, oo dad badan ay u arkaan inay tahay in laga gudbo.
Baaritaan hor dhac ah ayaa lagu ogaaday in beelaha Digil iyo Mirifle iyo beesha Shanaad ay yihiin labada beel ee kuraasta ugu badan ay ka lumi doonto haddii hab degmo wax lagu qeybsado, taasna ay tahay sababta Shariif Xasan uu uga cararayo.
Beesha Digil iyo Mirifle ayaa gaar ahaan degta degmooyinka ugu yar, marka loo bar-bar dhigo Hawiye iyo Daarood oo ay iminka si siman wax u qeybsadaan.
Haddii hab degmo wax lagu qeybsado beesha Digil iyo Mirifle waxa ay lumin doontaa ku dhowaad nus ka mid ah 61-ka xildhibaan oo ay iminka haysato, waana taas sababta uu Shariif Xasan ugu dheggan yahay 4.5.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at