Burcad Kalluumeeysato u dhalatay Iiraan oo lagu dilay Xeebaha Soomaaliya

Burcad Kalluumeeysato u dhalatay Iiraan oo lagu dilay Xeebaha Soomaaliya

daajis.com:- Ku-xigeenka Madaxa Ururka Kalluumeysatadda Iiraan, Ali Askar Mujaahidiin ayaa sheegay in 2 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah la dilay, dhowr kalena la dhaawacay, kadib, markii ay Burcad-baddeed Somali ah ku dagaalameen meel ka baxsan Xeebaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Kalluumeystadda kula taliyaan inaysan u socdaalin Xeebaha Somalia si ay uga soo jilaabtaan, wuxuuna intaasi ku daray haddii ay door-bidaan inay  u safraan Xeebaha Somalia inay taageero weydiistaan Ciiddanka Badda Iiraan ee qeybta ka ah Maraakiibta Caalamiga ee ku sugan Xeebaha Somalia.


Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxa Ururka Kalluumeysatadda Iiraan, Ali Askar Mujaahidiin waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda Soomaalida weli haystaan 2 dooni  Kalluumeysato oo ay Iiraan leedahay, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Ammaanka ka shaqeynayaan sidii loo sii dayn lahaa Doonyahaasi.
Iska horimaadkan cusub ee Burcad-baddeeda Soomaalida iyo Kalluumeysatadda Iiraan dhex maray ayaa waxa uu yimid, kadib, markii  Kalluumeysato Iiraaniyiin ah ay bishii hore u itaal-sheegteen, isla markaana ay dileen dhowr ka mid ah Burcad-baddeedii u haysatay afduubka.

Si kastaba ha ahaatee, dayacnaanta Badda Somalia waxay sababtay inay Maraakiibta shisheeyaha si sharci-darro ah uga kalluumeystaan Baddeenna, halka kuwo kalena ay ku daadiyaan Qashinka Haraaga Kiimikadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada