Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaanka Beerxaani

Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaanka Beerxaani

daajis.com:- Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ayaa maanta weeraray saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabab ku lahaayeen degaanno dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

Deegaanada ciidamada ay weerareen ayaa waxaa ka mid ah Beerxaani iyo Quddus, oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in ciidamada ay qabsadeen deegaanka Beerxaani oo illaa 80 km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

Dagaallo qaraar ayaa la sheegay inay dhinacyada dhexmareen, welina ma cadda khasaaraha dagaalkan ka dhashay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada