Ciidamada DF oo dilay 5 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab

Ciidamada DF oo dilay 5 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab

daajis.com:- Ciidamada Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kula wareegay Tuulooyin Hoostaga degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 5 ka mid ah dagaalyahano ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, iyadoo ciidamadu ay ku fideen tuulooyin hoos Taga degmada Owdhiigle ee gobolka shabeellaha hoose.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa Warbahinta ku hadasha afka DF u sheegay in howlgalkaan uu ka mid yahay  kuwo ay ugu tala galeen in shabaab looga saaro deegaannada iyo tuulooyinka ay Gobolka uga Suganyihiin.
Sadex ka mid ah tuulooyin Hoostaga Degmada Owdhiigle  ayuu sheegay Afhayeenku in ay kala wareegeen  kooxda Alshabaab, isagoo sheegay in ay dar-dar galin doonaan Howlgallada shabaab looga saarayo deegaannadaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada