Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Deegaano Hoostaga Deg/ Buulobarde

Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Deegaano Hoostaga Deg/ Buulobarde

daajis.com:- Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo caawinaad ka helaya Milatariga Amisom ayaa Ururka Al-shabaab kala Wareegay Degaano hoostaga Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa si wadajir ah weerar ugu qaaday fariisimo ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen Degaano ku dhow dhow Degmada Buulabarde,waxaana halkaa ka dhashay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dagaalkaani ku dileen Sargaal Cadaan ahaa oo ka tirsan Ciidamada Ururka Al-shabaab, ayna dagaalkaasi kula wareegeen Goobo Muhiim ah oo ay horey u haysteen ururka Al Shabaab.
Warbaahinta Ururka Al-shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah ka soo saarin Dagaalka ka dhacay degaanada hoostaga Degmada Buulabarde.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada