Ciidamada Sirdoonka oo baadigoobaya Sarkaal la socday C/maalik Johns

Ciidamada Sirdoonka oo baadigoobaya Sarkaal la socday C/maalik Johns

daajis.com:- Waxaa baadigoob balaaran loogu jiraa sarkaal la sheegay inay Al shabaab iskala soo goosteen C/maalik Johns.

Ciidamada Nabad Suggida Qaranka oo ay wehliyaan ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgalo lagu raadinaayo ninkani la sheegay in uu la socday C/maalik Johns kaas oo weli ku dhuumaalaysanayo Gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa u sheegay Warbaahinta howlgalka in laga sameeyay inta u dhaxeysa Ambareesa iyo Baraawe oo si aad ah loo tuhmayo in Sarkaalkaasi uu ku dhuumaaleysanayo.

Sarkaalka ciidanka ay raadinayaan ayaa ah Soomaali, balse wuxuu aaminsan yahay fekerka ay ku dagaalamaan Shabaabka sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Shabeellaha hoose.
C/maalik Johns oo hada gacanta ugu jira Dowladda Soomaaliya ayaa Axadii la soo dhaafay ka soo goostay kooxda Al Shabaab, kadib markii Shabaabka dhexdooda ay u kala baxeen kuwo weli taageersan Al Qaida iyo kuwo u wareegay kooxda Islaamiyiinta ee Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGG

Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada